​Guddi loo xil-saaray Caleemo Saarka Madaxweynaha Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra'isal wasaare ku-xigeenkii hore dowladda Somalia, Maxamed Cumar Carteh ayaa lagusoo magacaabay Guddi ka kooban sideed xubnood oo ka shaqayn doona Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu faah faahiyay shaqada guddigaas iyadoo magacaabistan ay wax ka ogyihiin xubno katirsan golaha wasiirrada xukuumaddii hore.

Laguma caddaynt waqtiga rasmiga ah ee caleemo-saarku dhici doono, balse waxaa guddigaas la sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii loo fududayn lahaa islamarkaana loo abaabuli lahaa barnaamijkaas.

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM