Guddiga dib-u-eegista iyo hirgalinta dastuurka oo cod loo qaadey

Image
Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xubnahan horgeeyay Golaha Shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, ayaa shir guddoomiyay kal-fadhiga labaad kulamadiisa 28-aad iyo 29-aad oo ay xildhibaannadu ku soo jeediyeen mooshin ah in ajandaha lagu daro u codeynta Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u soo jeediyay in ay codkooda kalsoonida ah siiyaan si uu Guddiga Dib u Eegista Dastuurka uu u bilaabo shaqo howleedkooda loo igmaday.

Mudaneyaasha ayuu warbixin ka siiyay guddigu sida uu u shaqeeyo aqoontooda xubnaha loo soo xulay, waxaana mudaneyaasha codkooda ku ogolaadeen 143 xildhibaan wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan.

Ansixinta kadib, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa wuxuu u mahadceliyay Xildhibannada Golaha Shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha Guddiga Madax-banaan ee dib-u-regista iyo hirgalinta Dastuurka.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:

Mohammed Hassan Idriss
Ahmed Mohamuud Jama
Mohamed Abdalla Salah
Farhia Mumin Ali
Burhan Adan Omar.

Dhanka kale, sharci-dejiyeyaasha ayaa ka doodaday isla-markaana ka warbixiyay akhrinta 2-aad, akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliyeed.

Mudaneyaasha oo si qota-dheer u lafa guray kheyraadka ku jira badda, akhrinta ka dib waxaa codkooda kalsoonida ah siiyay 142 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa Ka aamusay, wax diiday ma lahan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu Sharciga Kheyraadka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliya ansax yahay.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Buluuga, Axmed Xasan Cabdi, ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen sharcigan muhiimka u ah dalka inuu wax badan ka tari doono ka faaideysiga kheyraadka badda.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayuu xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay in shuruuc badan la ansixiyay kuwaas oo wax badan ka anfacaya dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM