Guddiga doorashadda Galmudug oo gudoon yeeshay xili uu khilaaf jiro

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Guddiga doorashadda madaxtooyadda Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah yeeshay gudoon cusub oo ka kooban gudoomiye, ku xigeen iyo mas'uuliyiin kale.

Doorashadda ayaa imaaneysa iyaddoo ay jiraan warar sheegaya in uu jiro khilaaf culus oo u dhaxeeya Dowladda iyo ururka Ahlu Sunna Waljameeca oo dhanka hogaanka guddiga ah.

Illo wareedyo ayaa qeexaya in Ahlu Sunna ay dalbatay in iyaddu hesho xubinta gudoomiyaha guddiga. Codsigaas waxaa lagu waramayaa in ay ganafka ku dhufatay xukuumadda.

Xildhibaanka loo coddeeyay in uu noqdo gudoomiyaha cusub ee guddiga ayaa la fahansan yahay in uu u jaran-jeero Villa Soomaaliya, oo lagu eedeeyay faragelinta doorashada.

Mudaneyaasha Ahlu Sunna ugu jira Golaha Wakiilada Galmudug oo wadar ahaan gaaraya 20 ayaa la sheegay in ay ka maqnaayeen fadhigii lagu doortay gudoomiyaha guddiga.

Xildhibaanada oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa doorashada hogaanka guddiga ku sifeeyay "afduub ay dowladda ku sameysay nidaamka iyo geedi u socodka doorashadda".

Arrimahaan soo kordhay ayaa murjin kara doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamul goboleedka oo qorshuhu ahaa in ay dhacaan maalmaha soo aadan si gaar ah asbuuca dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM