Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo aqoonsi siiyey xisbiyo cusub

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shahaadooyin gudoonsiiyey xisbiyo cusub.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga oo nuqul kamid ah uu arkay GO, xisbiyadda oo tiradoodu tahay todoba ayaa si ku meel gaar ah loo diiwaan-geliyey.

Munaasabadda shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xisbiyada is-diiwaan-geliyey ayaa kala ah

1- Xisbiga Isbahaysiga Caddaaladda & Sinaanta
2.-Xisbiga Samata-bixinta Ummadda Soomaaliyeed
3- Xisbiga Caddaaladda & Dib-udhiska Soomaaliyeed
4- Xisbiga Wadatashi Qaran
5-Xisbiga Horseed
6- Xisbiga Midnimadda Maandeeq
7- Xisbiga Horumarinta Amniga & Dimuquraadiyada

Diiwaan-gelinta xisbyaddan ayaa kordhineysa tiradda guud ee xisbiyadda haatan diiwaan-gishan oo la sheegay in ay ka badan 50.

Xaliimo Yarey, gudoomiyaha guddigan, ayaa dhowaan shaacisay in sharciga doorashooyinka ee baarlamaanka horyaala uu xadidayo tiradda xisbiyadda.

Sharcigan oo muran dhaliyey ayaa loo gudbiyey Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka markii Golaha Shacabka uu cod wadar ogol ah kusoo meelmariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM