Guddoomiye Madoobe oo qaabilay guddiga Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Aduunka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Midowga Baarlamaanada Aduunka (IPU).

Guddoonka ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan shirka meertada 147-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka oo ay xubnaha uga qeyb galeen magaalada Luanda ee caasimada dalka Angola, kaas oo looga hadlaayay midnimada, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada iyo dimoqraadiyadda.

Qoraal lagu daabacay barta rasmiga ah ee Golaha ayaa lagu sheegay in guddiga ay Guddoonka lawadaageen doorashadii madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Aduunka.

Doorashdan ayaa dhalisay hadal heyn badan iyada oo lagu eedeeyay gudoonka in ay madaxtinimada Baarlamaanka Aduunka ay ka doorteen xubanimada Bulshada Bariga Afrika.

Gudoomiyaha Golaha ayaa ilaa haatan Jawaab ka bixin eedaymahaas, xilli xildhibaan Maarwa oo ah murashaxa Soomaaliya ee xilkaas ay ka hadhashay waxa ay ku tilmaantay “cagajugleyn”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM