Guddoomiye Madoobe oo qaabilay guddiga Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Aduunka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Midowga Baarlamaanada Aduunka (IPU).

Guddoonka ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan shirka meertada 147-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka oo ay xubnaha uga qeyb galeen magaalada Luanda ee caasimada dalka Angola, kaas oo looga hadlaayay midnimada, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada iyo dimoqraadiyadda.

Qoraal lagu daabacay barta rasmiga ah ee Golaha ayaa lagu sheegay in guddiga ay Guddoonka lawadaageen doorashadii madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Aduunka.

Doorashdan ayaa dhalisay hadal heyn badan iyada oo lagu eedeeyay gudoonka in ay madaxtinimada Baarlamaanka Aduunka ay ka doorteen xubanimada Bulshada Bariga Afrika.

Gudoomiyaha Golaha ayaa ilaa haatan Jawaab ka bixin eedaymahaas, xilli xildhibaan Maarwa oo ah murashaxa Soomaaliya ee xilkaas ay ka hadhashay waxa ay ku tilmaantay “cagajugleyn”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM