Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasumadda Muqdishu Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Gudoomiyaha gobolka ayaa  magacaabay Taabit Cabdi Maxamed oo horay usoo noqday  Safiir ku-xigeenka Somalia ee Mareykanka.

Taabid ayaa sidoo kale mar soo noqday Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada.

Xil ka qaadista Guddoomiyaha Banaadir ayaa qayb ka ahayd mid uu sameeyay maanta madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, oo galaaftay taliyaasha Booliiska, Milateriga, Sirdoonka, Booliiska iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka.

Tallaabadan ayaa u muuqatay mid Madaxweyne Farmaajo ku doonayo inuu is-badal ku sameeyo, maadama uu horay u ballan qaaday inuu dalka wax ka qaban doono.

Farmaajo ayaa is badalkiisii ugu ballaarnaa sameeyay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Febraayo ee sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM