Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo balan qaadey la dagaalanka musuqmaasuqa

Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa kala wareegay xafiiska Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo xilkaasi oo hayay tan iyo October, 2015.

Ra'iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Farah Siciid (Juxa) iyo madax kale ayaa ka qeybgalay xaflada xil-wareejinta oo ka dhacday Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Thaabit oo hadal ka jeediyay munaasabada uu xilka kula wareegay ayaa sheegaya in uu ahmiyada kowaad siin doono xuquuqda shaqaalaha, amniga, dib u dhiska Muqdishu iyo kobcinta dhaqaalaha.

Balanqaadka Thaabit

Dib u soo celinta amniga, Biyo nadiif ah, Ilaalinta amaanada shacabka, Dhismaha wadooyinka, Daryeel caafimaad, Waxbrasho tayo leh iyo sareynta sharciga dalka.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa balan-qaaday sidoo kale inuu wax ka qaban doono kahor-tagista musuq-maasuqa iyo baabi'inta ku xad-gudubka xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.

"Dhaqaalaha aan haysano waxaa qeyb ahaan bixiya dadka saboolka ah, oo alaabo yaryar ku iibiya wadooyinka, qof kastoo si xun u adeegsada dhaqaalahaasi tallaabo ayaan ka qaadi doonaa," ayuu yiri Gudoomiye Thaabit.

Thaabit Cabdi Maxamed oo ahaa ku xigeenka Safiirka Somalia ee Mareykanka, ayaa todobaad kahor loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyo duqa Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM