Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug oo la doortay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah ku doortay magaalada Dhuusamareeb gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas.

Xilkaan waxaa ku tartantay laba murashax oo lagu kala magacaabo; Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim kana wada tirsan Aqalka Wakiilada.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi uu yahay guuleystaha isla markaana uu helay 59 cod oo kamid ah 89-ka mudane ee dhiibtay codadkooda.

Saadaq oo kaalinta labaad galay ayaa la sheegay in uu helay 29 cod, taasoo la macno ah in uu xumaaday hal cod, sidda laga soo xigtay shaacinta Guddiga.

Maxamed Axmed Gacal ayaa loo doortay afhayeenka xeer-dejinta dowlad goboleedka. Gacal wuxuu horey u soo noqday Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ku xigeenka labaad ayaa la filayaa in isla maanta la doorto, waxaana jagadaas u taagan in ay qabtaan laba murashax oo la tilmaamay in ay ku jirto haweenay

Kadib codeynta xeer-dejinta, waxaa lagu waddaa in maalmaha soo aadan ay Xildhibaanada doortaan hogaamiyaha afarta sano ee soo aadan majaraha u haynaya maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM