Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Galmudug oo la doortay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah doortay gudoomiye ku xigeenka labaad golahaas kadib coddeyn ku qabsoontay Dhuusamareeb.

Xilkaan oo ay ku tartameen laba murashax oo ay ku jirto haweenay ayaa coddeynta waxaa ka qeybgalay 89 Xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dowlad goboleedkaas.

Murashaxiinta oo sheegay in ay ku qanceen natiijadda cod-bixinta ayaa magacyadooda lagu kala sheegay; Faadumo Cabdi Cali iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Faadumo, oo guuleysatay, ayaa heshay 47 cod, halka Maalin, oo kaalinta labaad galay, uu isana helay 41 cod, sidda uu ku dhawaaqay Guddiga doorashada.

Maxamed Axmed Gacal ayaa loo doortay afhayeenka xeer-dejinta dowlad goboleedka. Gacal wuxuu horey u soo noqday Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.

Cabdullaahi Xirsi Maxamed ayaa ku soo baxay xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad kadib markii uu 59 cod kaga badiyey Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim oo helay 29 cod.

Kadib codeynta xeer-dejinta dowlad goboleedka, waxaa lagu waddaa in maalmaha soo aadan ay Xildhibaanada doortaan hogaamiyaha afarta sano ee soo aadan majaraha u haynaya maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM