​Gudoomiye ku xigeenkii hore Baarlamaanka Somalia oo geeriyooday

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa Xalay  Muqdishu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Axmed Abroone Amiin, oo Gudoomiye ku xigeen kasoo noqday Baarlamaankii dowladdii KMG Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marxuumka ayaa la sheegay in Xalay uu ku soo booday Xanuun deg deg ah kadibna la dhigay Cisbitaal ku yaalla Muqdishu, halkaasi oo uu ku dhintey Saacadu markii ay ahayd 3:00 am.

Abroone ayaa lagu xasuustaa inuu Kaalin weyn ku lahaa dedaalladii dib u heshiisiinta dalka Xiligii Dowladii lagu soo dhisay Carte, wuxuuna ahaa shaqsi firfircoon oo ka shaqeeya danta dalka.

Meydka Marxuumka ayaa lagu aasay maanta magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM