Gundhiga kiiska ajaaniibta loo haysto jariifka kalluunka Soomaaliya

Image
Eedeysanayaasha oo qareen u dooda loo qabtey ayaa laga soo qabtay Xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u furtay dacwad ka dhan ah 36 kalluumeysato ah oo u kala dhashay dalalka Iran iyo Pakistan, kuwaasi oo horay loogu helay falal kalluumeysi oo aan sharciyeysneyn.

Eedeysanayaasha oo qareen u dooda loo qabtey ayaa laga soo qabtay Xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxayna hadda racfaan ka qaadanayaan xukunnada lagu riday.

Horay ayay maxkamaddu ugu xukuntay eedaysane kasta $11,000 oo dollar, waxayna amartay in si wada jir ah dowladda Soomaaliya loo siiyo lacag dhan $30,000 oo magdhow ah kalluunka sida sharci darrada ah loo gurtay.

Saalax Cali Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa tibaaxay in saddex jeer ay dib u eegis ku sameeyeen kiiska, ka hor inta aan xukunka laga soo saarin.

Maxamuud ayaa sheegay in xukunku uu xoojinayo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta kheyraadka badda, la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, iyo in lagula xisaabtamo kalluumaysatada ajnabiga ah ee geysta xadgudubyada.

Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay kororka maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada ah uga howlgala aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ) tan iyo bishii Janaayo ee sanadka 2023-ka.

Dhaqdhaqaaqyadan sharci darrada ah, ee lagu tilmaamay kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin, iyo kuwa aan sharciga ahayn (IUU), ayaa muddo tobanaan sano ah gobolka u horseedaya waxyeello la taaban karo oo deegaan iyo mid dhaqaale.

Soomaaliya ayaa ku jirta liisaska wadamadda ay ka dhacaan kiisaska ugu badan ee kalluumeysiga sharci daradda ah waxaana ugu wacan in dalka uusan lahayn ciidamo ilaalo xeebeed iyo kuwa badeed wallow ay joogaan saaxiibo caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM