Gurigii danjiraha Soomaaliya ee Khartuum oo la bililiqeeyatey

Image
Safiirka uu qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayuu ku xusay in ay hoygiisa beegsadeen kooxo hubeysan.

KHARTUUM, Suudaan - Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya ee Suudaan, Maxamed Sheekh Isaaq, ayaa sheegay in loo dhacay gurigii uu ka daganaa magaalada Khartuum ee caasimada Suudaan.

Danjiraha uu qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayuu ku xusay in ay hoygiisa beegsadeen kooxo hubeysan wallow uusan si gaar ah u magacaabin labada dhinac ee dagaalamaya.

“Waxaan cambaareeynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeeyatey guriga aan ka deganaa Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan lana qaatey gawaarigiidii safaaradda Soomaaliyeed," ayuu yiri.

Waxa uu raaciyey: "[Waxaa] falkaasi wuxuushnimada ah sameeyay maaleeshiyaad hubeysan ee aan ixtiraameeynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha Diplomasiyiinta taasoo ka baxsan akhliqiyaadka dhaqameed".

Dhanka kale, duqeymo iyo rasaasta ayaa dib uga soo cusboonaaday caasimadda Suudaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal, kaddib markii ay dhammaatay xabbad joojin 24-saac ah oo dadka rayidka ah siisay nasasho naadir ah kadib ku dhawaad ​​laba bilood oo dagaal ah.

Jugta madaafiicda culus ayaa laga maqlay Khartoum iyo magaalada mataanaha ah ee Omdurman oo dhanka waqooyi ka xigta, waxaana sidoo kale dagaalku uu ka qarxay wadada Al Xaawo, oo ah halbowlaha ugu weyn ee koonfurta caasimadda.

Heshiisyadii xabbad joojinta ee ugu dambeeyay ayaa u sahlay dadka rayidka ah ee ku go'doonsan Khartoum in ay dibadda u soo baxaan oo ay kaydsadaan cuntada iyo saadka kale ee muhiimka ah.

Balse, tobban daqiiqo oo kaliya ka dib markii ay dhamaatay 6:00 subaxnimo (0400 GMT), waxaa caasimadda mar labaad ruxay duqeymo iyo iska hor imaadyo, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM

Xubnaha Soomaaliya ee EALA oo si rasmi ah loo dhaariyey

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 10:50AM