Hadalada isdiidaya ee kasoo ifbaxay is-aragga cusub ee Farmaajo-Uhuru

Image

NAIROBI, Kenya – Iyadda oo gal-dacwadeedka badda uu marayo heer gabagabo ah lagana cabsi qabo in marka xukunka uu soo baxo u saameyn daran yeesho, madaxweyne Soomaaliya ayaa rajo ka duwan taas qaba.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si furan warbaahinta ula hadlay kadib shir uu la yeesho dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ammaanay doorka xukuumadda Nairobi ee taliska AMISOM iyo soo dhaweynta Soomaalida.

Ciidamada Kenya ee howlgalka aragtida Midowga Afrika qaybta ka ah ayaa gaaraya 4-kun oo askar, waxaana ay dalka galaan sanadkii 2011.

Kiiska badda oo ku saabsan goob ku taala xadka labada dal halkas oo hodan ku ah kheyraad dabiici ah sida Gaaska naqaska iyo Shidaalka ayaa taagan tan bishii Agoosto 2014-kii.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ oo dhageysiga kiiska dib ugu dhigtay illaa iyo bisha June 2020-ka ayaa kadib soo saareysa xukunka oo ah mid aan rafcaan lahayn isla markaana leh ganaax lacageed oo badan.

Madmadowga kulanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Monica Juma, ayaa Twitter-ka ku faafisay in madaxweyne Farmaajo "uu kalsooni ka muujiyey" in kiiska badda lagu xalin doono "qaab lawada ogol yahay".

Hase ahaatee, Villa Soomaaliya ayaa xustay in madaxweyne Farmaajo "u tilmaamay [Uhuru Kenyatta]" ahmiyada ay leedahay in dacwadda badda aysan saameyn xiriirka labada dal.

Qodobada kale oo ay isla garteen ayaa waxaa kamid ah in si caadi ah lagu soo celiyo cilaaqaadka maadaama kiiska badda qodxo u yeelay.

Madaxweyneyaasha ayaa isla qaatay in lasoo celiyo dal ku dalka [visaha] ay dadka Soomaaliyeed qaataan marka ay ka dageen magaaladda Nairobi oo la joojiyey markii uu meeshii ugu hooseysay gaarey xiriirka.

Kulanka labadda hogaamiye ayaa ka dambeeyay markii Farmaajo uu Nairobi kaga qeybgalay shir ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay, kaasoo looga hadlay arrimo ku saabsan horumarinta dadka iyo dhalinta.

Kenya ayaa olole xoogan ugu jirta in dacwadda badda laga soo celiyo kiiska isla markaana wadamada ay miiska wada hadalka go'aan kaga gaaraan "maadaama ay deris yihiin kana dhaxeyso dano badan".

Soomaaliya oo dalabkaas cadaadis ku muteysatay ayaa ka biyo diidey waxayna ku adkeystay in ay ku qanacsatay go'aanka xeer-beegtada Qaramada Midoobay isla markaana aan lasoo celin doonin gal-dacwadeedka.

MUUQAALKA LABADA HOGAAMIYE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM