Hadaladii horey looga faafiyey ciidanka lagu tababaray Eritrea

Image
Soo celinta askartan ayaa timid maalin kadib markii boqolaal dhalinyaro dibada loo qaadey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qeybtii ugu horeysay ee ciidamadda Soomaaliya loogu tababaray Eritrea ayaa Arbacada maanta ah kasoo degay Muqdisho, sidda ay sheegtay dowladda federaalka ah.

Wasiirka gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa daaha ka rogay in askartan ay "dhiig cusub" ku shubi doonan dagaalanka ka dhanka ah maleyshiyada Al-Shabaab.

Balse, Mr Nuur ma uusan shaacin tirada askarta soo laabatay, halka la dejiyay iyo goobta ay rasmi ahaan ku biiri doonan howlgaladda ka soconaya qaybo kamid ah waddanka.

Soo laabashadda ciidamadan ayaa meesha ka saareysa tuhun iyo warar kala duwan oo ay horey uga faafiyeen siyaasiyiin kuwaasoo qaarkood ay haatan xilal sar-sarre ka hayaan dowladda dhexe.


June 10, 2021

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri: "Dhalinyarada Eritrea loo xaabiyey waa la qaldey; waa la iibsadey. Aksum ayey ka dagaalameen, Makala lagu laayey".

January 18, 2021 

Gaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa yiri: "Waa arrin aad u foolxun, murugo iyo uurkutaalana ku beertay ehelada caruurtooda lagu xasuuqay dagaalka Itoobiya ka holcaya".

January 18, 2021

Wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi, ayaa yiri: "Waalidiinta waxaa loo sheegay in caruurtooda loo qaadey Eritrea ay ka dagaalameen Itoobiya halkaasna ay tirro badan ku dhinteen".

December 9, 2021

Ergayga abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa yiri: "[Dhalinyaradda loo qaadey Eritrea] iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay".


Soo celinta ciidamadda ayaa sidoo kale waxay kusoo hagaagaysaa maalin kadib markii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ka dhooftey diyaarad ay saarnaayeen boqolaal dhalinyarro ah.

Dowladda federaalka ayaan wali fahfaahin ka bixin dhalinyaradaas. Wararku waxay xusayaan in ay tababar u aadeen dalka dibadiisa. Tafaasiisha horudhac ah waxay xusayaan in loo diray dalka Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM