Hakadka ku yimid gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la sababeeyay

Image
Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa uu sharaxaad ka bixiyey qadiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay si rasmi ah sharaxaad uga bixisay gaabiska ku yimid howlgaladda milatari ee ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Lataliyaha ammaanka qaranka, Xuseen Sheekh Cali oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa hakadkan waxa uu ku difaacay in ay wadaan abaabulka wajiga labaad ee gulufka.

Mar wax laga weydiiyay sababta loo joojiyey dhaqdhaqaaqyadda sida xowliga ah ku bilowdey bilooyinkii hore ee muddo xileedka madaxwayne Xasan Sheekh, lataliyaha ayaa xusay in uu soo dhamaadey wajiga koowaad.

"Waa nasiino kahor duufaanta [cusub]," ayuu yiri. "Waxaan diyaarineynaa wejigii labaad ... anagoo kaashanayna ciidamada dheeraadka ah ee aan ATMIS-ka ahayn ee ka socda dalalka aan deriska nahay ee ku biiray dagaalka, waa waqti qorsheyn, sababtaas awgeed waxay u egtahay inay xasilloon tahay".

Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa todobaadyadda soo aadan waxay Soomaaliya u soo diri doonan boqolaal askar aan la cayimin tiradooda kuwaasoo qorshuhu yahay in ay xoojiyaan ololaha ciidan wajigiisa labaad.

Sidda laga soo xigtey Xuseen, ujeedka wajiga labaad ee howlgaladda laga leeyahay ayaa waxay tahay in Al-Shabaab lagala wareego "tuulooyin iyo degmo kasta oo waqti xaadirkan ay maamusho kooxda hubeysan".

Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in sahay iyo saanad la'aan soo wajahdey ciidamadda ay kaalin ku leedahay hakadka ku yimid howlgaladda isla markaana haatan horumar kooban laga sameeyay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ku wareejisay shixnadihii labaad ee hub ah sanadkan. 61-tan oo AK-47 ah, qoryaha daran dooriga u dhaca, iyo rasaas ayaa ka soo degtay laba diyaaradood oo ah nooca C-17.

8-dii Janaayo, Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay inuu ku deeqayo $9 milyan oo hub culus ah, qalab ay ku jiraan taakuleynta iyo gawaarida dhismaha, xirmooyinka qashinka lagu tuuro, sahayda caafimaadka.

Sidoo kale, shixnadaas deeqda ah waxaa qeyb ka ahaa qalabka dayactirka baabuurta iyo hubka, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM. Muqdisho ayaa ka mahadcelisay kaalmadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM