Halista Soomaaliya uga soo fool leh hubka u gacan-galay Taliban

Image
Kooxda hubeysan ee la wareegtay Afghanistan ayaa la sheegay "in ay qabsatay hub aysan khibrad u lahayn isticmaalkooda".

KABUL, Afghanistan - Tan iyo bilowgii weerarkooda sannadkan, dagaalameyaasha Taalibaan waxay soo bandhigeen sawirrada qalab milateri oo ay ka qabsadeen dowladda - oo ay ku jiraan helikobtarro iyo baabuur gaashaaman.

Taalibaan waxay sidoo kale hanteen madaafiicda, gawaarida aan darawalka lahayn (UAVs), qoryaha, bistooladaha, iyo qalabka sida muraayadaha aragga habeenkii, sida laga soo xigtay machadka faaqida difaaca ee RUSI.

Qaar ka mid ah saanadan ciidan waxay kasoo qabsadeen saldhigyada ciidamada Afghanistan oo ay weeraro ku beegsadeen. Qaar kale waxaa ku wareejiyay askar ka goostay dhinaca ciidamada dowladda.

Qabsashada saanadaha waaweyn sida helikobtarrada ayaa hadlaheyn badan dhalisay. Balse, Dr Jack Watling, oo ah cilmi-baare ka tirsan RUSI, ayaa sheegay in Taliban "aysan lahayn khibrad ay ku adeegsadaan kuna ilaaliyaan, waxayna u badan tahay inay saameyn yar ku yeesheen goobta dagaalka".

Walaaca ugu weyn waa helidda Taalibaan ee sawirka kaamerada iyo qalabka aragga habeenkii, iyo qalabka indhaha - oo lagu dhejin karo qoryaha si loo hagaajiyo loona hubiyo qofka la beegsanayo.

"Falaagadda ayaa durba bilowday in ay dibada u iib-geyso qaar ka mid ah hubkii ay soo furteen, bartamaha Aasiya iyo Bariga Dhexe si lamid ah bariga Afrika, waa suuqa ay haystaan," ayuu yidhi Dr Watling.

Saamaynta ama cawaaqibka ka dhalan karta arrintani waxay noqon kartaa mid daran, sida ay aaminsan yihiin khuburadda ammaanka oo tibaaxaya in ay u gacan-geli karaan kooxaha argagixisadda caalamiga ah.

"Markaad haysato hub aad u baahsan, taasi waxay sahlaysaa isku dhacyo hubaysan oo badan maxaa yeelay waxaad leedahay mucaarad hubaysan oo ka fiican," ayuu yidhi Dr Watling.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Taasi waa wax laga yaabo inaan bilowno inaan aragno oo aan dareemo dhowrka bilood ee soo socda". Tusaale ahaan bariga Afrika waxaa ku xoogan Al-Shabaab oo u dabaaldegtay guusha Taliban.

Iyada oo ay jiraan hubkan dheeraadka ah oo dul sabeynaya, waxaa sidoo kale jira halis ah dagaal dheer oo ka dhaca Afgaanistaan ​​haddii Taalibaan aysan bixin damaanad-qaad ilaalinaya badbaada hubka.

"Qaar badan oo ka mid ah wiilasha ku jiray cutubyada milatariga Afgaanistaan ​​waxay hubkooda u qaadan doonaan gurigooda, si daacad ah ama si ay u ilaaliyaan qoysaskooda," ayuu yiri Dr Watling.

Watling ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Markaa waxaad haysataa dad badan oo aad u hubaysan oo haysta tababar ciidan, kuwaas oo laga yaabo inay go'aansadaan inaysan doonayn in wax loo qabto sidii ay Taliban jeclaan lahayd".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM