Hay'adaha Garsoorka oo bil kadib ka hadlay kiiska Ikraan

Image
Madaxii ammaanka internet-ka hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa la waayey 26-kii June, 2021. [Photo: Baraha Bulshada]

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adaha garsoorka Soomaaliya ayaa muddo bil ah kadib waxay ka hadleen kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sarkaalka ka tirsan hay'ada sirdoonka qaranka ee la waayey 26-kii June, 2021-ka.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Jeneraal Cabdulaahi Buulle Kamay, ayaa magacaabay seddex sarkaal oo ka tirsan xafiiskiisa isuguna jira Booliska iyo mukhaabaraadka.

Sida laga soo xigtay wareegtadda magacaabida oo warbaahinta dowladdu faafisay, waxay salka ku haysaa "si ay baaritaan ugu sameeyaan kiiska haweeneyda ka tirsan sirdoonka - Ikraan Tahliil Faarax - ee la la'yahay tan iyo 26-kii Juun ee sanadkan".

"Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sedax Sarkaal oo ka kala Socdo Xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax  oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan," ayay tiri wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa waxay intaas kusii dartey: "Xeer Ilaaliyaha ayaa Faray Taliska NISA in ay ula shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda".

"Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Maqanad Ikraan Tahliil," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Magacaabida guddigan ayaa kusoo hagaageysa xilli dhowaan Garowe Online uu faafiyey warbixinta guddi baaritaan oo loo gudbiyey xukuumadda taasoo kashiftay in wixii ka dambeeyay 2019-kii la waayey 11 sarkaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM