Hay'adda NISA oo howlgal "ku dishay" 21 kamid ah Al-Shabaab

Image
Sheegashadan ayaa imaanaysa xilli xalay ismiidaamin ay ku dhinteen 15 dhalinyar oo ku biireysay milatariga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo tiradoodu gaareyso 21 ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan, sidda ay Axada maanta ah shaaca ka dhigtey Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in howlgalkaas ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya ee loo yaqaano NISA.

"21 ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay ku dhowaad 10 kalana way ku dhaawacmeen, howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose," ayaa lagu yiri bayaankan uu arkay Garowe Online.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Jabkaan gaaray argagixisada ayaa ka dhigan in afar maalmood gudahooda Ciidanka Qaranka ay dileen ku dhowaad 200 oo ka tirsan Khawaarij Al-Shabaab".

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

MOGADISHU, 6 November 2022: 21 ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay ku dhowaad 10 kalana way ku dhaawacmeen, howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta kooxdaan Khawaarijta ah oo ka mid ahayd kooxaha jabhadaha oo xiligaasi ku howlanaa diyaarinta falal ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan kooxdii Khawaarijta ahayd ee halkaasi ku sugnaa iyo dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Jabkaan gaaray argagixisada ayaa ka dhigan in afar maalmood gudahooda Ciidanka Qaranka ay dileen ku dhowaad 200 oo ka tirsan Khawaarij Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo fahmay muhiimada in hal meel looga soo wada jeesto Khawaarijta dalka, dadka iyo diinta duulaanka ku ah.


Sheegashadda dowladda federaalka dilka maleyshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ayaa kusoo beegmaysa xilli xalay qarax ismiidaamin oo ka dhacay xerada ciidamadda ee Nacnac ay ku dhinteen 15 askari oo milatari ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM