​HIIRAAN: Al shabaab oo Madax-furasho kusii daayay Gabdho u afduubnaa

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Al shabaab ayaa lacag madax-furasho ah kusii daayay Gabdho ugu afduubnaa mudo labo bilood ah gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Somalia.

Gabdhahan oo tiradoodu gaarayso Sadex ayaa waxay katirsanaayeen, oo u shaqaynayeen NGO lagu magacaabo Hello-Trust oo ka shaqeysa arimaha samafalka, sida Waalidiintooda laga soo xigtay.

Aabe dhalay mid kamid ah Gabdhahan, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in ay siiyeen Al shabaab $13,000 USD mid kasta oo kamid ah Gabdhahaasi, si markale dib ugu haleen xuriyadooda.

Wuxuu xusay in Gabdhaha laga afduubay deegaanka Far-libaax bishii July, iyagoo halkaasi kawaday Howlo samafal ah, oo ay gargaar ku gaarsiinayeen dadka shacabka ah ee saamaysay abaarta.

Dhanka kale, wararka aan ka helayno gobolka Baay waxay sheegayaan in lix qof oo Shaqaale gargaar ah lagu qafaashay deegaan lagu magacaabo Garas Mooshin, oo hoostaga Baydhabo.

Shaqaalahan oo katirsan NGO-ga GREDO ayaa lagu afduubay shalay Garas Mooshin, oo 20KM dhanka Koonfureed uga beegan Baydhabo, xilli ay halkaasi howlo quudin iyo nafaqeyn ah kawadeen.

Al shabaab wali kama aysan hadlin afduubka iyo sii daysmada Shaqaalaha gargaarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM