​Somalia: HirShabeelle oo sameysatay Ciidamo Boolis ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Somalia - Madaxweynaha maamulka HirShabealle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Saldhiga Booliska Beledweyne waxa uu nambarrada aqoonsiga ku siiyay ciidamo cusub oo uu yeeshay maamulkiisa markii ugu horeysay tan iyoo aas aaskiisa sanadkii 2016.

Madaxweyne Cosoble, oo ay wehliyeen Wasiirkiisa amniga Maxamed Ibraahim Cali iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow ayaa la kulmay ciidamada cusub, kuwaasi oo dhawaan tababar usoo dhamaadey.

Waxay sheegeen in ciidamadan ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay uu HirShabeelle yeelato, waxayna u balan-qaadeen inay helii doonaan xuquuqdooda iyo qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen, sida saldhigyo, hub iyo gaadiid intaba.

Madaxweyne Cosoble ayaa kula dardaarmay ciidamada inay si wanaagsan ay u gutaan waajibaadkooda, islamarkaana ay noqdaan kuwa u adeegga shacabkooda, kana shaqeeya amniga.

Hadal-jeedintiisa Ciidanka kadib, kadib Madaxweynaha kormaaray qeybaha kala duwan saldhigga Booliska Beledweyne, oo hadda ka socdo dhismo cusub oo lagu ballaarinayo.

Maamulka HirShabeelle, oo la aas-aasay dhamaadkiii sanadkii tagey ee 2016-ka, ayaa waxaa hareeyay caqabado badan, oo ay ugu horeeyaan Khilaaf u dhaxeeya Beelaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, amni la'aan iyo xaruumaha uu ku shaqeeyo oo aan wali la dhisin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM