HirShabelle: Al-Shabaab oo qaadey weerar ismiidaamin ku bilowday

Image
Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada daraf.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu waramay in ay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ay ku ekeeyeen degaanka Daarul Nimca ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareeydo dhinaca nabad-gelyadda ah, iska-hor-imaad sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaarey dhinacyadda diriray.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa baraha internet-ka ee taageera waxay ku faafiyeen in gulufkaas ay ku dileen 20 askari ayna ku gubeen laba gaari oo nooca dagaalka ah.

Saraakiisha ciidamadda Soomaaliya ayaa dhankooda waxay shaaciyeen in ay iska-caabiyeen weerarkaas ayna arkeen "meydadka 30 maleyshiyaad oo ka tirsanaa Khawaariijta".

Fahfaahino kale oo madax-banaan ayaa soo jeedinaya in saldhiga la beegsadey ay kaliya joogeen xoogaga Macawiisleyda ayna askarta dowladda faarujiyeen maalmo kahor sababo aan sharaxaad laga bixin.

Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada daraf. Balse, dadka degaanka waxay GO u sheegeen in ay arkeen meydadka 20 qof oo isugu jira Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.

"Meydadka ayaa yaallay banaanka hore ee saldhiga ciidanka oo markii dambe dadweynaha si ku meelgaar ah loogu ogolaadey kahor inta aan gabi ahaanba la kala eryin," ayay warbaahinta kasoo xigatay dadka.

Degaanka Daarul Nimca ayaa hoostaga degmadda Runil-good halkaasoo ciidamadda dowladda iyo dadka degaanka ee la baxay Macawiisleyda oo iska-dhinac dagaalamaya ay la wareegeen sanadkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM