Hogaamiyaha SSC-Khaatumo oo ka warbixiyay dagaaladii Sool

Image
SAWIR HORE

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye ayaa ka hadlay weeraradii ay ciidamada Somaliland dhawaan ku qaadeen magaalada Laascaanood.

Hogaamiyaha waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland oo qaab beeleed u abaabulnaa uu jab taariikhi ah kala kulmay saldhiga Goojacade.

“Natiijadii dagaalkii ugu dambeeyay ee socday muddo lix saacadood ah, maamulka SSC-Khatumo wuxuu la wareegay gacan ku haynta dhowr saldhig ciidan oo ku yaalla Gobolka Sool.” ayuu intaas raaciyay.

Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa Somaliland laga furtay gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah, waxaana sidoo kale lagu soo qab qabtay maxaabiis badan oo qaarkood ay dhaawac yihiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in loola dhaqmi doono si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, inkastoo laga aamisan yahay taliyeyaasha gacanta lagu hayo qaarkood inay galeen dambiyo dagaal.

Hogaamiyaha ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Puntland taageerada ciidan iyo saadkaba, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee diiday dambiyada uu ku kacay Muuse Biixi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM