​Hoobiyaal lagu weeraray Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia - Weerar hoobiye ayaa lagu qaadey Qasriga Madaxtooyada Villa Somalia, xili ay halkaasi xilka kula wareegayaan Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

Wararka Warsidaha GO ka helayo Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa sheegaya in 5 hoobiye ay ku dhaceen gudaha iyo daafaha Madaxtooyada dalka.

Goobojooge ku sugan nawaaxiga Villa Somalia, ayaa u sheegay GO in hoobiyaashu ay gaarayaan 6 xabo, kuwaasi oo intooda badan u gudbay dhanka Madaxtooyada.

Qaar kamid ah Hoobiyaasha ayaa ku dhacay xaafado ku dhaw Villa Somalia, waxaana wali la xaqiijin khasaaraha Madaafiicda iyo halka laga soo tuuray.

Mid ka mid ah ayaa ku soo dhacay Degmada Warta-nabadda waxaana ku dhintay 3 Qof oo labo ka mid ah ay yihiin caruur, halka 4 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu inoo sheegay Qof ka mid ah Ehelada dadka ku waxyeeloobay Madaafiicdan.

Weerarka waxaa lagu soo beegay Xil-wareejinta Madaxweyinihii hore ee Somalia, uu uu maanta si rasmiga ah ugu wareejinayo Madaxweynaha cusub ee la doortay Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, balse inta badan weerarada caynkan ah waxaa fuliya kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM