Horjoogayaal katirsan Al Shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka Somalia

Image

BAYDHABO, Somalia- Saraakiil sare sare oo katirsan ururka Al Shabaab ayaa isu soo dhiibay ciidamada dowladda Federalka Somalia ee ku sugan gobolka Baay, sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen qaar kamid ah taliyaasha ciidamadaas.

Ragga is-dhiibay ayaa ururka Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada iyo howgallada gobolkaas.

Tiradooda ayaa wararka soo gaaraya GO, sheegayaan inay gaarayaan ilaa 4 ruux.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca dowladda Federaalka Somalia iyo waliba maamulka Koonfur Galbeed.

Balse, qaar kamid ah saraakiisha maamulka gobolka Baay, ayaa ku waramay in raggaan lagu hayo meel ammaan ah iyagoo intaas ku daray in kahor intaysan isa soo dhiibin lasoo xariireen taliyaasha ciidamada xogga dalka Somalia ee Baay ku sugan, kadibna loogu tagay halkay ku sugnaayeen.

Maaha markii ugu horaysay saraakiil katirsan ururka Al Shabaab isu soo dhiibeen ciidamada dowladda Federaalka Somalia.

Balse, arrintan ayaa timid kadib markii Madaxda cusub ee Somalia ku dhawaaqeen in dhalinyarada la marin habaabiyay ay isaga soo laabtaan fikradaha kooxda Al Shabaab.

Dhawaan ayaa dhowr askari oo katirsana kooxdan isku soo dhibeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Baydhabo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM