Horjooge katirsanaa Al Shabaab oo dowladda isu dhiibay

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Warfaafinta Somalia Cabdirxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa sheegay in Horjooge katirsanaa Kooxda Al shabaab uu isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan.

Eng Yariisow ayaa magaca Horjoogahan ku sheegay Bishaar Muumin Faarax, isagoo intaasi ku daray in uu ka howlgali jirey degmada Xarardheere ee gobolka Galgadauud.

Dhanka kale, Taliyaha Guutada 52-aad ee Ciidamada Xoogga Somalia Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho ayaa  xaqiijiyey isa soo dhiibista Sarkaalka Al shabaab.

Waxuu sheegay in Sarkaalkan uu watay laba qori oo AK-47 iyo rasaas badan, xilli uu isku dhiibayay Ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan, kadib markii uu xiriiro lasoo sameeyay dhawaan.

Al shabaab kama aysan hadlin is dhiibida Bishaar Muumin.

GAROWEONLINE


Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM