Horjoogeyaal laga dilay Al-Shabaab oo la shaaciyey magacyadooda

Image
Duqeyntan ayaa dhacdey 16-kii June sanadkan 2023-ka, sidda ay tabisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Faahfaahin cusub ayaa laga helay duqeymo dhanka cirka ah oo dhawaan lagu qaaday maleyshiyaadka Al-Shabaab, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda 16-kii June sanadkan 2023-ka.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed, duqeynta ayaa lagu dilay 43 dagaalyahan oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu kala magacaabi jiray Aadan Cabdiraxmaan Aadan iyo ku xigeenkiisa Idiris Cabdiraxiim Nuur.

Wakaaladda SONNA ayaa sidoo kale waxay tabisay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku shirsanaayeen horjoogayaasha Al-Shabaab oo ku taalla degaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee dhanka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Iyada oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga oo aan magaciisa la shaacin, SONNA ayaa xustey in kulankaasi uu ahaa mid lagu qorsheynayay weerar lagu qaado Saldhiga ciidamada ee Baar Sanguuni.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo howlgalkan ay kasoo saareen dowladdaha Mareykanka iyo Turkiga kuwaas oo inta badan gudaha Soomaaliya ka geysta duqeymaha diyaaradeed ee dhinaca hawada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM