Howlgalka ATMIS oo bilaabay in uu soo afjaro waayihiisa Soomaaliya

Image
Bishii la soo dhaafay, 54 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Arbacadii waxa uu sheegay inay bilaabeen dhimista tirada askarta ka joogta dalka, sidda ku xusan qoraal ay soo saareen taliska.

Talaabaddan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa iyadoo la qorsheynayo in ugu dambeyntii ammaanka dalka lagu wareejiyo ciidamada qarankan colaadaha kasoo kabanaya.

"Howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) wuxuu bilaabay inuu dhimo tiradda isagoo u hoggaansamaya (Go'aamada Qaramada Midoobay) kaasoo faraya Atmis inuu dhinto 2,000 oo askari dhammaadka Juun 2023," ayaa lagu yiri bayaanka.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa inkastoo ay sii socdaan weerarada khasaaraha badan dhaliyay ee Al Shabaab ay ku qaadayaan xerooyinka ciidamadda iyo xarumaha dowladda.

Bishii la soo dhaafay, 54 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda ayaa la dilay markii dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin Koonfur-galbeed ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxa uu ahaa mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa tan iyo markii uu billowday weerarka sannadkii hore. Falkan waxa uu ka dhacay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa in ka badan 15 sano waday kacdoono dhiig badan ku daatay oo ka dhan ah dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho, iyagoo weeraro ka geysta Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.

ATMIS ayaa bishii April ee sanadkii hore bedelay howlgalkii hore ee loo yaqaanay AMISOM, kaasoo lahaa ciidamo gaaraya 20,000 oo ka kala socda dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Jabuuti, Burundi, Kenya iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM