Howlgalka la dirirka burcad-badeeda oo la cusbooneysiiyey

Image
Mareykanka oo diyaariyey qaraarka ayaa soojeediyey hal sano balse Soomaaliya waxay ku adkeysatay saddex bilood.

NEW YORK, USA - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay Jimcihii in ciidamada badda caalamiga ah ay sii wadaan adeegsiga dhammaan hababka lagama maarmaanka ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda Soomaaliya.

Balse, waa kaliya saddexda bilood ee soo socota sababtoo ah dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan dhicin wax fal burcad-badeed ah muddo afar sano ah ayna tahay waqtigii la dhamayn lahaa hawlgalka.

Golaha ayaa muddo 12 bilood ah dib u cusboonaysiinayay oggolaanshaha ururrada gobolka iyo dalalka ay kula dagaallamayaan budhcad-badeedda iyo dhaca hubaysan ee xeebaha Geeska Afrika.

Balse sanadkan dowladda Soomaaliya oo ogolaansho looga baahan yahay ayaa ka hortimid dib u cusbooneysiin sanadle ah oo uu dalbaday dowladda Mareykanka oo soo diyaarisay qaraarka, waxaana ay ogolaatay kaliya seddex bilood kadib markii ay wadahadal la gashay Mareykanka iyo xubnaha kale ee golaha.

Isku duwaha siyaasadda ee Faransiiska, Sheraz Gasri, ayaa u sheegay golaha in saddex bilood ay aad uga yar tahay in loo ogolaado Midowga Yurub iyo kuwa kale inay sii wadaan howlgalka badda "iyadoo lagu jiro shuruudo habboon."

Gasri waxa uu sheegay in Faransiisku uu sii wadi doono dhegeysiga maamullada Soomaaliya oo uu "ku dadaali doono in uu isku dubbarido halganka ka dhanka ah budhcad-badeedda”.

Taa baddalkeeda, ayay tidhi, "Faransiisku wuxuu weydiisanayaa Soomaaliya inay aqoonsato in isbeddelka noocaas ahi uu u baahan yahay dadaal wadajir ah iyo in amniga badda aan la kala saari karin isbeddelka amniga ee guud ee dalka".

Safiirka Ireland ee Qaramada Midoobay Geraldine Byrne Nason ayaa ka dhawaajisay walaaca Faransiiska ee ku wajahan halista howlgalka Midowga Yurub, taasoo ay ku sheegtay mid muhiim ah.

Qaraarka golaha amaanka ayaa soo dhaweeyay hoos u dhaca joogtada ah ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011 iyo in aysan dhicin afduub lagu guuleystay oo madax furasho ah oo la soo sheegay bishii March 2017 kana dilay habacsanaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir: Puntland kama qeybgalayso Shir aan ahayn Gogoshii MW Deni iyo Beesha Caalmka ku baaqeen

Mar hadii shirarka Gollaha Wadatashiga aan looga hadlayn arrimaha muhiimka ee la isku khilaafsan yahay ee salka ku haya dastuurka...

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 05:33PM

Soomaaliya: Fariin loo direy Baarlamaanka oo sheegaysa kulan Sabtida ah – Buuqa oo sii xoogeysanaya

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha ayaa suurtagal noqon waayey kadib markii…

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 11:56AM