Ilaalada wasiir oo ku dhaawacay madaafiic lagu garaacay Muqdisho

Image
Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay weerarada noocaan ah ee horey uga dhacay caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya — Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen madaafiic xalay lagu garaacay qaybo kamid ah caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo amni iyo caafimaad.

Sidda ay warbixinadda muujinayaan, qaar kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan xaafad lagu magacaabo 15—May oo ammaankeeda aad loo adkeeyo.

Warar madax-banaan waxay tibaaxayaan in hal madfac uu ku habsadey guriga wasiirka batroolka Soomaaliya ayna ku dhaawacmeen saddex kamid ah waardiyeyaashiisa oo kuwada sugnaa banaanka hoyga mas’uulkan.

"Saddexda qof ee guud ahaan kuwada dhaawacantey weerarkan waa ilaaladda wasiirka. Xaaladooda hadda way wanaagsan tahay. Ma jirto waxyeelo soo gaartey wasiirka wuu wanaagsan yahay," ayuu yiri sarkaal dhinaca amniga.

Sarkaalka ayaa ka gaabsadey in uu kala caddeeyo haddii wasiirka uu waqtigaas ku sugnaa guriga iyo in kale. Isku-dayo madax-banaan oo lagu xaqiijin karay in wasiirka uu xilligaas ku sugnaa guriga ayaan guuleysan.

Ma jirto koox illaa haatan sheegatay mas’uuliyadda falkan. Hase ahaatee, dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa looga bartey falalka noocaan ah ee horey uga dhacay magaala madaxda.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu todobaadii hore ku dhaawacay in ciidamo lagu soo tababaray Uganda ay la wareegayaan amniga Muqdisho lana mamnuucay hubka culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM