Qoyska Almaas oo diiday in gabadhooda dishay xabad wiifto ah

Image

TORONTO, Canada – Ilwaad, oo la dhalatay Almaas oo 20-kii bishaan ku dhex-dhimatay xarunta aadka loo ilaaliyo ee Xalane halkaas oo fariisin u ah shisheeyaha, ayaa meesha ka saartay in walaasheed ay dishay "xabbad wiifto ah".

War-saxaafadeed qoyskeeda uu soo saarey kaasoo ay ku saxiixaneyd Ilwaad oo Qaramadda Midoobay ka tirsan ayay ku shaaciyeen in ay qabliga ka jabeen.

Bayaankooda ayaa waxay ku caddeyeen reerka uu sii wadi doono dedaaladda uu ku bixinayo nabadda iyo gargaarka dadka Soomaaliyeed.

Qoyskaan oo caan ka ah Soomaaliya ayaa aabahood, Elman Cali Axmed, kaasoo nabadda u dhaqdhaqaaqi jiray ayaa Muqdisho lagu dilay 1996-dii.

Almaas oo dhaxalka aabaheed xoojineysay ayaa sarkaal dhanka warbaahinta u qaabilsan u ahayd ururka Midowga Yurub.

Geerideeda ayaa timid saacado kadib markii ay kasoo baxday shir uu EU-da qabanqaabiyey waxayna kusii jeeday madaarka Aadan Cadde.

Howlgalka AMISOM oo beeniyay la shirqoolay ayaa shaaciyey in Almaas ay u dhimatay xabbad wiifto ah oo haleeshay gaarigeeda, balse waa sheegasho ay naqdiday Ilwaad.

"Wax kasta oo aan laga soo saaro duruufihii ay Almaas ku geeriyootay waa kuwa laga sii horudhacay, mana noqon doonta kuwa caawiya qoyskeena," ayay ku bilowday.

Sidda ku cad war-murtiyeedka, qoyska Elman ayaa wuxuu dalbanayaan baaritaano buuxa oo ay wada sameeyaan dowladdaha Soomaaliya iyo Canada.

Waxay ku dartay: "Wararkaa waa mid noqon kara mid leysla dhex meero suurtolgalnimada in Almaas ay dishay "xabbad wiifto" ah".

Ilwaad Elman, oo sanadkan 2019 u sharax-neyd abaalmarinta nabadda aduunka, ayaa madax ka ah xarunta Elman Peace.

Almaas ayaa horey uga soo shaqeysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya, halkaas oo xoghayaha koowaad k ahayd intii u dhaxeysay 2016-17.

Ugu dambeyntii, reerka ayaa wuxuu cod dheer ku dalbaday in xaaladaha dalka ka jira aan lagu lifaaqin toogashadda murugada ku reebtay ee Almaas.

Marxuumadda ayaa waxay geeriyootay iyadda oo Uur leh, waxaana taas ay ka dhigan tahay in qoysku waayey laba naf "mana jirto cid noo bedeli karta," ayay ku yiraahdeen qayb kamid ah war-saxaafadeedka ay soo saareen oo uu arkay GO.

QORAALKOODA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM