Imaaraadka oo war kasoo saarey qaraxii ismiidaaminta ee Gaalkacyo

Image

ABU DHABI, UAE – Imaaraadka Carabta ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee 21-kii December, 2019, ka dhacay banaanka huteel ku yaala koonfurta Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Qaraxaas oo Al-Shabaab lagu eedeeyay ayaa sababay dhimashadda shan ruux iyo dhaawaca in ka badan 50 kale oo badankooda shacab ah.

Taliyaha Ciidamadda Lugta dowladda federaallka Soomaaliya, Cabdixakiim Maxamed Dirir, iyo saraakiil kale ayaa ka badbaaday weerarka oo dhacay xili ay kasoo baxayeen huteelka.

Saraakiisha ayaa kulan ku lahaa huteelka, sidda laga soo xigtay Dirir, oo ku adkeystay aysan baqdin gelin doonin "falalka noocaan ah oo ay ka dambeeyaan canaasiirta shacabka gumaadda".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo dhacdadaas ku tilmaamtay "mid argagixiso" ayaa sheegtay in ay ka go'an tahay sidii loo cirib-tiri lahaa xagjiriinta si gobolka u noqdo mid xasiloon.

"Wasaaraddu waxay tacsi u direysaa eheladda dadkooda ku waayey, waxayna soo kabasho degdeg ah u rajeyneysaa bukaanadda," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo Garowe Online arkay.

Sikastaba ha ahaatee, qaraxaas ayaa ahaa midkii labaad oo noociisa oo kaliya sanadkan 2019-ka ka dhaca koonfurta Gaalkacyo, oo uu ka jiro maamul hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliya ee Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM