Ingiriiska oo lacag ku goobaya Soomaali ku eedeysan dilka 47-jir

Image

LONDON, UK – Booliska Ingiriiska ayaa abaalmarin lacageed u balanqaadey ciddii keenta xog lagu soo qaban karo nin Soomaali ah oo loo haysto dilka 47-sano jir.

Cabdi Cali, oo 29-sano jir ah, ayaa madaxiisa la dul-dhigay aduun dhan lix kun oo Doolar, sidda ay qortay saxaafadda maxaliga ah ee Britain.

Eedeysanaha ayaa loo haystaa khaarijinta Shaun Lyall, kaasoo bishii July ee sanadkii hore lagu weeraray hoygiisa Cleethorpes.

Warbixin kasoo baxday bileyska oo loo qeybiyey saxaafadda ayaa Cabdi ku tilmaamtay "shaqsiga tuhunka ugu badan ee uu saaran yahay".

Maxkamad ayaa kiiskan horey waxay xabsi daa'in ugu xukuntay Craig Whittle, oo 45-sano jir ah markii lagu helay in uu kaalin ka qaatay weerarka.

Craig Whittle, oo sanadkii ugu horeeyay xabsi ku qaatay, ayaa waxaa lagu waramayaa in ay saaxiibo dhow ahaayeen Cabdi Cali.

Tan iyo markii uu dilku dhacay, Cabdi waa baxsad, walina lama ogga goobta saxda ah ee uu ku dhuumaaleysano, wallow la xaqiijiyey in uusan ka bixin Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM