Ingiriiska oo soo saarey qaylo-dhaan la xiriirta Soomaaliya

Image
Wasiirka horumarinta Ingiriiska, Andrew Mitchell, ayaa hadalkan ka sheegay magaaladda Doolow.

LONDON, UK - Wasiirka horumarinta Ingiriiska, Andrew Mitchell ayaa BBC-da u sheegay "dad aad u badan oo ay abaaruhu ku dhufteen ay halis ugu jira inay dhimasho" gudaha Soomaaliya haddii beesha caalamku aysan bixin gargaar dheeri ah.

Booqashadii uu ku tagay galbeedka Soomaaliya ayuu ku sheegay in UK ay bixineyso lacag dhan £14m oo gargaar bani’aadanimo iyo mid amni oo cusub oo loogu talagalay dadka wajahaya macluusha ka dib markii isbeddelka cimilada oo lala xiriiriyey abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah.

Mr Mitchell ayaa sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay in dunidu ay dayacdo dadka ku dhimanaya Geeska Afrika, sababta oo ah lacag badan oo gargaar ah ayaa loo weeciyay dalka Ukraine. Waxa uu ku adkaystay in Britain ay muujinayso door hogaamin iyada oo la tacaalaysa labada arrimood isku mar inkasta oo la dhimay miisaaniyadda kaalmada dibadda ee UK.

Laakin waxa uu qirtay in ay "aad u adag tahay" in xafiiska arrimaha gudaha uu balaayiin gini oo gargaar ah ku kharash gareeyo magangalyo-doonka, wuxuuna rajeeyay "inay weligeed sii socon doonin" sababtoo ah "waxay caqabad ku tahay" jawaabta bini'aadantinimo ee UK ee dibadda.

Wuxuu daaha ka qaaday inuu dhisayo guddi cusub oo wadajir ah oo la socda Hanti-dhowrka si ay u baaraan kharashaadka gargaarka ee dowladda oo dhan.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Doolow oo ku taalla dhulka galbeedka Soomalaiya, halkaasoo ay ugu dambeysay 11 sano ka hor xilligaas oo uu ahaa Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah.

Magaalada ku dhow xuduudka Itoobiya ayaa noqotay mid ay kusii qulqulayaan dadka abaaruhu ay ka baabi’iyeen xoolihii iyo noloshoodii. Hadda waxa jira ilaa 134,000 oo qof oo ku jira laba xero oo waaweyn oo qaxooti gudaha ah magaalada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM