Wiil la dhashay Mo Faarax oo laga soo musaafuriyey Ingiriiska

Image

LONDON, UK – Wiil la dhashay Sir Maxamed Faarax ayaa laga soo tarxiilay Ingiriiska, sidda ay ku warameyso majaladda Daily Mirror.

Axmed Faarax oo 30-sano jir ah ayaa loo musaafuriyey degaanadda Somaliland gaar ahaan wuxuu hadda ku sugan yahay magaaladda Burco.

Mas'uuliyiinta ayaa ku eedeeyay Axmed in uu ku lug-yeeshay weerar loo adeegsaday Toorey oo waddankaas ka dhacay.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaadey in Axmed ay ku raad-joogeen muddo laba sano ah kahor inta uusan xabsi ku qaadan afar sano iyo bar.

Isaga oo magaaladda Burco kula hadlay Sunday Mirror, Axmed Faarax ayaa sheegay in uu ka qoomameynayo falka uu ku kacay.

"Ma dareemayo tiiraanyo, laakiin waxaa ii muuqato fursad aan ugu qalmo in aan dib ugu laabto Ingiriiska," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Sir Mo Faarax oo kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dhanka orodka caalamka ayaa wuxuu ku guuleystay tartamo kala duwan.

Fal-dambiyeedyadda loo adeegsaday Tooreyda ayaa sanadihii dambe kusoo batay Ingiriiska, waxaana loosoo musaafuriyey Soomaali badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM