​Internet la’aanta Muqdishu oo Magdhow loo raadinayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Federaalka Somalia, ayaa soo rogtay amar cusub oo ku aadan in magdhow laga bixiyo khasaaraha ka dhashay internet la’aanta ka jirta Koonfurta dalka, kadib markii la jaray Fiirada xiriirisa khadka ee dhex marta badda dhexdeeda.

Cilladan ayaa keenta in Somalia maalintiiba khasaarto in kabadan 10 Malyan sida dowladdu sheegtay.

Markabka lagu magacaabo MSC Alice, ayaa loo haystaa inuu ka dambeeyay dhibaatadaas, walow shirkadda iska leh ku doodayso in la keeno Cadaymo si jawaab looga helo.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somalia, Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in waqtigan dalka ka jirto kala dambayn iyo isla xisaabtan islamarkaana lasoo dhaafay xilligii wixii la rabo la fushan jiray dabadeedna la iska tagi jiray.

Wuxuu cidda ka iska leh Markabka fiilada Internet-ka gooyay ka codsaday inuu bixiyo Magdhow si looga soo kabto khasaaraha laxaadka leh ee dalka iyo dadkaba soo gaaray.

“Dalkan sharci iyo dowladda ayaa ka jirta, waxaan rabnaa in magdhow laga bixiyo khasaaraha ka dhashay internet la’aanta ka jirta Koonfurta dalka, Maalin kasta in kabadan 10 malyan ayaan khasaarnaa, Jawaab ayaan doonaynaa,”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Markabka dhibka gaystay MSC Alice, ayaa hadda ku sugan nawaaxiga xeebta Muqdishu, waxaana dowladda Somalia ku amartay inuusan ka dhaqaaqin aagaas ilaa xal laga helayo.

Internet-ka ayaa go’ay Ciidkii, waxaana Markabkan uu ku sugnaa nawaaxiga Muqdishu waqtiga cilladu timid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM