Is-afgaradkii Farmaajo iyo Uhuru oo falcelin caalami ah la kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Isniinta maanta ah soo dhaweeyay is-afgaradkii madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Uhuru ku gaareen magaaladda Nairobi.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo huteel Nairobi ku yaala isku arkay ayaa isla meel-dhigay in ay wanaajiyaan xiriirkooda.

Heshiiska oo siyaabo kala duwan looga falceliyey ayaa wuxuu yimid xili bilooyinkii lasoo dhaafay cilaaqaadka labada waddan uu ahaa mid aad u liitay.

Cilaaqaadka labadda wadan waxaa bar-madow u yeelay dacwad dhanka badda ah oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ. Dhageysiga kiiska waxay bilaabaneysaa bisha June.

Xogheynta ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku ammaantay hogaamiyeyaasha dowladaha deriska ah doorka ay ka cayaareen hagaajinta xiriirkooda maadaama ay xulafo yihiin.

"Waxay xaqiijineysaa talaabo horey loo qaadey oo gobolka siineysa xasilooni iyo ammaan si lamid ah qaaradda Afrika," ayay raacisay xogheynta oo war-saxaafadeed soo saartay.

Jaamacadda Carabta ayaa horey ula safatay Soomaaliya, waxayna wadamada xubinta ka ah ururkaas ay uga digeen Nairobi in ay "damcsiyo biyaha iyo dhulka Soomaaliya".

Saaxiibada caalamka oo ku doodey in talaabooyinkii u dambeeyay "muhiim u yihiin" nabada iyo gobolka ayaa sheegay in ay isha ku hayn doonan qaabka ay u fulaan.

Is-afgaradka Farmaajo iyo Uhuru ayaa u muuqanaya mid la kulmay falcelin caalami ah, waxaana mar sii horeysay soo dhaweeyay Beesha Caalamka oo ku baaqday fulintooda.

Labada madaxweyne ayaa isla gartay in dib loo bilaabo duulimaadyadda tooska ah ee Muqdisho-Nairobi, bixinta dal ku galka iyo waliba sameynta guddiyo ka shaqeeya fulinta qodobadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM

Fiqi: Dowlado Shisheeye ayaa ku caawinaya Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-08-2025

  • 12:45PM