Is-afgaradkii Farmaajo iyo Uhuru oo falcelin caalami ah la kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Isniinta maanta ah soo dhaweeyay is-afgaradkii madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Uhuru ku gaareen magaaladda Nairobi.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo huteel Nairobi ku yaala isku arkay ayaa isla meel-dhigay in ay wanaajiyaan xiriirkooda.

Heshiiska oo siyaabo kala duwan looga falceliyey ayaa wuxuu yimid xili bilooyinkii lasoo dhaafay cilaaqaadka labada waddan uu ahaa mid aad u liitay.

Cilaaqaadka labadda wadan waxaa bar-madow u yeelay dacwad dhanka badda ah oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ. Dhageysiga kiiska waxay bilaabaneysaa bisha June.

Xogheynta ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku ammaantay hogaamiyeyaasha dowladaha deriska ah doorka ay ka cayaareen hagaajinta xiriirkooda maadaama ay xulafo yihiin.

"Waxay xaqiijineysaa talaabo horey loo qaadey oo gobolka siineysa xasilooni iyo ammaan si lamid ah qaaradda Afrika," ayay raacisay xogheynta oo war-saxaafadeed soo saartay.

Jaamacadda Carabta ayaa horey ula safatay Soomaaliya, waxayna wadamada xubinta ka ah ururkaas ay uga digeen Nairobi in ay "damcsiyo biyaha iyo dhulka Soomaaliya".

Saaxiibada caalamka oo ku doodey in talaabooyinkii u dambeeyay "muhiim u yihiin" nabada iyo gobolka ayaa sheegay in ay isha ku hayn doonan qaabka ay u fulaan.

Is-afgaradka Farmaajo iyo Uhuru ayaa u muuqanaya mid la kulmay falcelin caalami ah, waxaana mar sii horeysay soo dhaweeyay Beesha Caalamka oo ku baaqday fulintooda.

Labada madaxweyne ayaa isla gartay in dib loo bilaabo duulimaadyadda tooska ah ee Muqdisho-Nairobi, bixinta dal ku galka iyo waliba sameynta guddiyo ka shaqeeya fulinta qodobadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM