Isu-socodka magaalada Beledweyne oo dib loo furay

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Taliye Ku-xigeenka Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee CXD Korneyl Isaaq Cismaan Idriis ayaa dib isku furay isu socdka magaalada Beledweyne oo muddo maalmo u kala xineed Bari iyo Galbeed ka dib markii dhagaxaan labada dhinac looga xiray buundada Liiqliiqato.

Korneyl-ka ayaa faray shacabka iyo meleeshiyaadka beleeaha deeganka ku sugan inay u hogaaansaan go’aanka ciidamada, isaga oo sheegay in ay sii xoojin doonaan feejignaanta ku aadan gawaarida soo galayo magaalada si loo hubiyo in aysan sidan wax lagu dhibaateeyo shacabka.

“Waxaa hadda si buuxda gacanta ku haayo buundada Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad, si ku meel gaar ahna ayaan usii hayn doonnna, waxaana banneey doonna marka ay xiisadu degto” ayuu ku yiri Korneyl-ka shir jaraa’id uu ku dhax qabtay buundada.

Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa haatan degan ka dib is jiidjiid dhex maray beelaha kala dega Galbeedka iyo Bariga magaalada oo ka dhashay Qarax laga soo gudbiyay dhanka Galbeed sida ay sheegeen laamaha amaanka, taas oo keentay in la kala xirto.

Gaadiidleyda, Ganacsatada iyo Shacbka magaalada ayaa cabasho ka muujiyay talaabadan oo hakisay isu socdka dadweynaha saameynna ku yeelatay amniga ka dib marka ay is hor fariisteen meleeshiyo beeleed laga cabsi qabay inay xurguf dhax marto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM