Jabkii ‘AS’ ka soo gaaray Cowsweyne oo ku dhaliyay dhibaato daran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - 'AS' ayaa wajaheysa dhibaatooyin halis galinaya sii joogittkooda ee deegaanada bariga Galgaduud, sida ay sheegeen ilo ka tirsan dowladda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in 'AS' aysan awoodin inay u helaan xubnihii uga dhaawacmay dagaalkii Cowsweyne isbitaallo lagu daweeyo.

Wararka ayaa sheegaya in ‘AS’ ay ku go’doonsanyihiin bariga Galgaduud, waxaana ka dhamaaday saadkii, shidaalkii iyo sahaydii.

Khubarada dhanka amaanka ayaa u arka marxaladan mid fursad muhiim ah u ah ciidamada Soomaaliya, waxa ayna dalbadeen in la sii wado howlgalada ciidamada si aan fursad loo siinin ‘AS’ oo ay ku nastaan guramadna ku helaan.

Dagaallada Ka dhanka ah ‘AS’ ayaa waxay ku joogsadeen bariga gobolka Galguduud kadib weerarkii Cowsweyne, ilaa ciidamada dib loo habeynayo, lana dajinayo xeelad dagaal oo cusub.

Hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa wada qorshe ay dib ugu soo celinayaan kaalintii ciidamada deegaanka ay ku lahaayeen dagaalladii ka dhanka ahaa argagaxisada, iyadoo kumannaan ka mid ah ciidamadaas laga soo abaabulay gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan si ay u xoreeyaan bariga Galgaduud. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM