James Swan oo la siiyey amar ku aadan khilaafka DF iyo maamuladda

Image

NEW YORK, US – Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay warbixin kasoo saareen xaaladda siyaasadeed ee guud Soomaaliya.

Warbixinta ayaa timid ka gedaal markii ergayga UN-ka fadhiya Muqdisho iyo madaxa howlgalka AMISOM ay golaha u fahfaahiyeen marxalada waddanka.

Qodobadda ugu mudan ee warbixinta Golaha Ammaanka ku jira waxaa kamid ah in ay soo qaadeen khilaafka dowladda iyo maamulada.

Xubnaha ayaa ku booriyey dhinacyadda in ay wada xaajood ka yeeshaan arrimaha masiiriga ah ee waddanka horyaala.

Qadiyadaha ay carabka dhufteen ayaa waxaa kamid ah qabyo tirka Dastuurka, dib u heshiisinta, siyaasad loo dhan yahay iyo doorashadda.

Dhinaca kale, golahu wuxuu soo jeediyay in horumar laga sameeyo dhismaha Galmudug iyo hanaankiisa dib u heshiisiinta.

Geesta kale, waxay ka hadleen xaaladaha ka jira Jubaland oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Isqabqabsiga ayaa daaran doorashadii ka qabsoontay Kismaayo ee uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxtooyadda oo damacsanayd in ay saameyn ku yeelato si ay uga hesho madaxweyne daacad u ah ayaa ku guuldareystay.

Inkasta oo guusha Axmed Madoobe ay qaadacday, waxaa caleema saarkiisa ka qaybgalay wakiilo ka socda Kenya iyo mas'uuliyiin kale.

Xukuumadda Federaalka ayaa kadib dharbaaxadii doorashadda u xuub-siibatay cadaadis siyaasadeed iyo xayiraad dhanka hawada ah.

Intaas waxaa wehlisa in ay adeegsaneyso ciidamo Itoobiyaan ah oo gobolka Gedo kawada abaabulka dhismaha maamul sharci darro ah.

Si looga fogaado kala fogaanshiyo raagta, golaha ammaanka ayaa dhamaan dhinacyadda ku booriyey in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan.

Gabagabadii, ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee UN, James Swan, ayaa la faray in uu ka shaqeeyo sidii dhinacyadda u wada hadli lahaayeen.

Doorashadda Soomaaliya ee 2020-21 ayaa la filayaa in ay noqoto qof iyo cod, iyadda oo caqabadaha hortaagan ay kamid yihiin amniga iyo khilaafka gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM