Jawaari oo ku dhawaaqay Guddiga Anshax doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha golaha wakiillada Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayuu uga hadlay arrimo ku aadan doorashada Somalia isagoo magacaabay guddi ka shaqayn doono anshaxa iyo dadajinta howlaha socda.

Qoraalka Jawaari ayaa lagusoo xulay 9 xubnood oo aan kamid ahayn golaha wakiillada Somalia, balse ay ka dhexmuuqatay haweenay isu taagtay Madaxweynaha dalka, balse aan ku jirin shakhsiyaadkii gudbistay araajidooda taasoo lagu magacaabo Faadumo Qaasim Dayib.

Guddigan, waxaa loo xilsaaray sidii ay ula socon lahaayeen dhammaan howlaha doorashada islamarkaana warbixin maalinle ah u siin lahaayeen guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Somalia.

Magacaabistan ayaa timid xilli 9 maalin oo qura ay ka hartay waqtiga qabashada doorashada Madaxweynaha iyadoo sidoo kale mudane Jawaari magacaabay ruuxa u daadihinaya murashaxiinta dooda ay yeelan doonaan.

\

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM