Jawaari oo laga hor-istaagey inuu Kursi u tartamo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa laga hor istaagay inuu u tartamo kursiga uu ku fadhiyo ee Gollaha Shacabka, kaasoo degaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed.

Jawaari ayaa isaga soo tagey Baydhabo saakay, isagoo kusoo laabtay Muqdisho, waxaana la sheegay in kursiga uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay loo wadaa musharax kale oo Villa Somalia wadato.

Lafta-Gareen ayaa lagu eedeeyay inuu Jawaari u diiday ka qeybgalka Tartanka doorashadda Kursiga Gollaha Shacabka, iyadoo uu fulinayo sida la sheegay amar uga yimid Villa Somalia.

Doorashadda ka socota hadda dalka waxaa lagu tilmaamay inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnaa, waxaana ay noqdeen kuraasta kuwa lakala boobayo, oo Maamulada madaxdooda ay sameynayaan musuq-maasuq.

Musharixiin badan ayaa loo diiday inay tartamayaan, waxaana ugu dambeeyay Jawaari iyo Jen Tuuryare, oo horey usoo noqday taliyaha NISA, kaasoo kursigiisa maanta uu ku guuleystay Yaasiin Farey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM