Jeneraal lagu dilay Muqdisho; sarkaal ka dambeeyay oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa lagu dhex-dilay hoygiisa, maanta oo Sabti ah, sidda uu xaqiijiyey booliska.

Jeneraal Yuusuf Cali Qaasey ayaa lagu dhex-toogtay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Warshadda Caanaha, degmada Hodan ee caasimada dalka dhaca Geeska Afrika.

Laamaha ammaanka oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen qaabka ay wax uga dhaceen hoyga iyo sida ay ku yimid toogashada.

Dadka degaanka meesha ay wax ka dhaceen oo khadka telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online ayaa shaaciyey in ay maqleen dhawaqa dhowr xabado.

Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa waxay u sheegeen mareega GO in dilka Jeneraalka uu ka dambeeyay Gaashaanle sare oo waqtigaas ku sugnaa guriga.

Macluumaadyo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in gacanta lagu dhigay sarkaalkii ka dambeeyay kaasoo la sheegay in la geeyay mid kamid ah saldhigyada ciidanka.

Labadda dhinac - Marxuumka iyo "gacan ku dhiiglaha" ayaa waxaa ka dhaxeeyay is-qabqabsi dhuleed, sida ay ku waramayaan xubno aad ugu dhow laba daraf.

Muranada dhulalka ayaa aad ugu dhow badan, waxaana ku lug-yeesha mas'uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda oo xiliyadda qaar dhexdooda xiisad ka dhex-dhaliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM