Soomaaliya: Dad ku dhintay duqeyn lagu beegsaday xaflad aroos

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ka gedaal markii weerar dhanka cirka ah lagu beegsaday xaflad aroos oo ka socotay degaan hoostaga maamulka Jubaland.

Duqeynta ayaa ka dhacday tuuladda Dayac-goron, taasoo qiyaastii 40 KM u jira degaanka Diif ee gobolka Jubadda Hoose.

Axmed Salaad Axmed, gudoomiyaha Diif, ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in ka badan tobban ruux ay ku dhaawacmeen falkaas.

Illaa iyo haatan lama ogga, dalka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta ku laayey dadkaas shacabka ahaa.

Gudoomiye Axmed, mar su'aal laga waydiiyey cidda iska leh diyaaradaha ayaa wuxuu ku jawaabay "waxaan u maleynaynaa in ay Kenya tahay".

Sidda laga soo xigta Axmed, dadka dhaawaca oo qaarkood xaaladoodu liidato ayaa loo qaadey goobaha caafimaad si loo badbaadiyo.

"Sababta loo bartilmaameedsaday wali ma cadda. Balse, waxay u badan tahay in looga shakiyey Al-Shabaab maadaama ciidamadda maamulka aysan halkaas ku xooganeyn," ayuu raaciyey.

Ma jiro wax war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka maamul goboleedka Jubaland iyo ciidamadda Kenya.

Inta badan gobolada hoostaga Jubaland waxaa si joogto ah howlgal dhanka cirka ah uga fuliya diyaaradaha Mareykanka iyo Kenya, kuwaasoo ka qeyb-qaadanaya dedaalada caalamiga ee baacsiga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM