Jubaland iyo AMISOM oo ku heshiiyey qorshe ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka 1aad, Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga ka tirsan Sarakiisha Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM.

Is-aragga ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Dhinacyada ayaa si lamid ah isla eegay sidii loo balaarin lahaa Xarunta Wadaaga Xogta, taas oo wax badan ka taraysa isku xirnaanta dhinacyada kala duwan ee helista xogta "cadowga".

"...si looga hortago falalka Argagixisadu ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay shirka, kaasoo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

AMISOM ayaa la isku raacay inay tagaan furimaha hore ee dagaalka ay ka howlgalaan  si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa joogitaan culus ku dhex-leh degaanada Jubaland, waxaana ku taala fariisinkooda ugu weyn oo ah magaaladda Jilib, halkaas oo ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaashooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM