Jubaland iyo Denmark oo kawada hadlay doorashadda Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa  Nairobi, xarunta Kenya kula kulmey Mette Knudsen oo ah Safiiradda Dowlada Denmark u qaabilsan Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn wuxuu Safiiradda warbixin kooban kasiiyey xaalada guud ee Jubbaland, Doorashadii iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo.

Axmed Madoobe ayaa safiiradda la wadaagey aragtida Jubbaland ee doorasahda 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo.

"...taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara DFS iyo Dowlad goboleedyada dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo uu helay mareega Garowe Online.

Knudsen ayaa xustay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

"...si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, taas oo ay sheegtey in Madaxweyne Axmed uu u yahay udub dhexaad loona baahanyahay markasta aragtidiisa amni iyo siyaasadeed".

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dalka Denmark mashaariicda hormarineed ee ay ka wado Jubbaland oo uu ugu horreeyo mashruuca Kalluumeysiga oo ay hay’adda DRC waxbadan ka qabatey.

Coddeynta dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika ayaa waxaa aad loogu rajo weyn yahay in ay noqoto qof iyo cod, wallow aan wali heshiis mideysan laga gaarin nidaamka loo marayo iyo nooca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM