Jubaland oo cajalad usoo duubtay Ra'iisul Wasaare Xamse

Image
Baaqan ayaa ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kasoo cusboonaadey gobolka Gedo.

KISMAAYO, Jubaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa baaq saxaafadda u marisay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare, kana codsaday in ay soo farogaliso arrimaha cakiran ee ka taagan gobolka Gedo. 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Maxamuud Sayid Aadan ayaa cajalad muuqaal ah kasoo duubay Kismaayo, taas oo lagu baahiyay warbaahinta rasmiga ah, loona soo direy saxaafadda madaxa banaan.

Maxamuud ayaa sidoo kale digniin ugu direy ciidamada "kala duwan" ee ku sugan gobolka Gedo, isaga oo u sheegay in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, kana shaqeeyaan kaliya amniga. 

Isaga oo aanan qof magaciis carabaabin, balse ay muuqatay in uu ka hadlayo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Cabdirishiid Janan, ayuu tibaaxay in siyaasiyiinta Gedo ku sugan ay wataan dano iyaga u gaar ah. 

“Waxaan doonaynaa in aan shacabka gaarsiino maamul, kala dambeyn, amni iyo caddaalad," ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisa ka akhrinayay warqad uu gacanta ku hayay.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenka ku hanjabay in Jubbaland ay talaabo degdeg ah ka qaadi doonto arrimaha gobolka Gedo, hase ahaatee ma uusan shaacin nooca ay tahay talaabada. 

Dowladda federaalka ayaanan weli wax hadal ah kasoo saarin dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda Gedo xilli maamulkii gobolkaasi uu si toos ah uga horyimid dowladda. 

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo uu hoggaaminayo taliye lagu magacaabo Niiniile ayaa hoy iyo damaanad qaad amni siiyay waftigii siyaasiyiinta ee dhowaanta gaaray Dooloow kadib isku-dayo is-hor-taag. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM