Jubaland oo soo bandhigtay xubno kasoo goostay Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Laamaha ammaanka Jubaland ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Kismaayo kusoo bandhigay sideed ruux oo la sheegay in ay kasoo goosteen ururka Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkan ayaa isku dhiibay hay'addaha nabad-gelyadda dowlad goboleedkaas, sidda laga soo xigtay sarkaal sarre oo ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha ee maamulkaas.

"Waxaa baaris dheer kadib la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka waantowda fikirka qaldan ee ay umadda ku dhibaateeyaan kooxda nabad-diidka ah ee Al Shabaab," ayuu xusay.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada maamulka Axmed Madoobe oo kasoo baxay dhanka maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, ciidanka Jubaland ayaa waday howlgalo ay ka fulinayaan degaano ka tirsan Jubbooyinka, waxaana ay kusoo furteen saanad ciidan isla markaana xubno soo qabtay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa balanqaaday in la abaalmarin doono cutubyadii qaadey howlgaladaas, isagoo carabka ku dhuftay in la joogteyn doono dhaqdhaqaaqyada ciidan.

Sikastaba ha ahaatee, Jubaland ayaa kamida degaanada ay ku xoogan yihiin maleeyshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo gobolka Jubadda Dhexe oo idil ay gacanta ugu jirtaa xoogagaas argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM