Jubaland oo xal waara u raadineysa abaaraha soo noq-noqdey

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa guddoomiyey shir wayne fogaan arag ah oo diirada lagu saarey qadiyadan.

KISMAAYO, Jubaland -Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shir weyne lagaga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee Jubaland isla markana lagu qabtay hab maqal iyo muuqaal ay ayaa waxaa ka qeybgalay Safaaradaha Dalalka Netherlands, Sweden, Uk iyo wakiilada hay’adaha gargaarka ee ka howlgal dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xaalada hada taagan loo baahan yahay gargaar deg deg ah oo wax lagaga qabto xaalada taagan iyadoo howlahaas ay ka shaqaynayso Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in gargaarka iyo taakulada loo baahan yahay ay hada tahay wakhtigii ugu macquulsanaa ee la gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in laga wada shaqaynayo sidii loo abuuri lahaa xal waara oo lagaga gudbo musiibooyinka soo noq noqda sida abaaraha iyo fatahaadaha si taas loo helana loo bahan yahay in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha bulshada nugul.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in biyo xireenada wabiga Jubba iyo keydinta biyaha roobka ay muhiim u yihiin bulshada si ay dib ugu isticmaalaan xiliyada abaarahu ay jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM