Jubbaland gacanta ku dhigtay ajaaniib u dhashay Iran iyo Pakistan

Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia - Saraakiisha Jubbaland ayaa kusoobandhigay Kismaayo Sagaal qof oo ajaaniib ah, kuwaasi oo lagasoo qabtey, iyagoo si sharci darri ah uga kalluumeysanayeenxeebaha Jubbada Hoose. Kalluumaysatadan ayaa kala ah Lix  u dhashey Pakistan, iyolabo kasoo jeeda dalka Iran, waxaana gacanta lagu dhigayiyagoo la socda doon yar oo howlo Jariif ah ka wadey Biyahadegmada Kudhaa.

Sarkaal u hadlay Jubbaland ayaa sheegay in raggan ay soo taagidoonaan Maxkamad ku taalla Kismaayo, si loogu qaadosharciga waxa uu ka qabo Kalluumaysiga sharci darradaXeebaha dalka Somalia. Waa markii ugu horeysay oo Jubbaland qabato Ajaaniib ka kalluumeysanaysa Xeebaha maamulkeeda. 

Jubbaland ayaa shaacisay inay kordhin doonyo howlgalladalooga hortagayo Kalluumeysiga aan sharciga ahayn, ee ay Maraakiibta iyo Doomaha shisheeye kawadaan Xeebta Jubbadahoose. 

Tan iyo burburkii dowladnimo 1991, xeebaha Somalia ayaanoqday kuwa aan lahayn cid maamusha, oo cid kasta ka kalluumaysata, sidoo kalena lagu soo daadiyo Haarida sunta ah ee Warshadaha caalamka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM