Jubbaland: Howlgal qaraxyo lagu qabtay oo ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAYO, Jubbaland - Ciidamada Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo qarxa iyo raggii watey kadib howlgal ay ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalada Xeebta leh ee Kismayo.

Afhayeenka Hay'adaha amniga Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud (Carab), ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxyada iyo raggii farsameynayay laga soo qabtey guri ku yaalla gudaha Kismaayo.

Wuxuu sheegay Axmed in shacabka ay siiyeen ciidamada Nabad Sugida Jubbaland xogta sahashay inay soo qabteen qaraxyadan, kuwaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

"Ciidamada waxay ku guuleysteen inay kahor tagaan qaraxyo ka dhici lahaa Kismaayo, oo cadowga ay ku maleegayeen guri ku yaalla gudah magaalada," Ayuu yiri Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland.

Axmed Carab fahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin Howlgalka lagu soo qabtey Miinooyinka iyo tirada ragga ay gacanta ku dhigeen, balse waxa uu tilmaamay in warbaahinta usoo bandhigi doonaan maalmaha soo aadan.

Amniga Kismaayo ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid aad u wanaagsan, kadib markii la xoojiyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka.

GAROWEONLINE


Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM